Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ أَيۡمَٰنَكُمۡ دَخَلَۢا بَيۡنَكُمۡ فَتَزِلَّ قَدَمُۢ بَعۡدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُواْ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَكُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَشۡتَرُواْ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلًاۚ إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
95. Ha ku qaadannina Axdiga Alle qiimo yar (waxbana). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا عِندَكُمۡ يَنفَدُ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٖۗ وَلَنَجۡزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓاْ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَنُحۡيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةٗ طَيِّبَةٗۖ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen24.
24. Aayaddan waxay caddeysey inay ragga iyo dumarka ajar isku mid ah leeyiiin Alle agtiisa markay la yimaadaan camal san oo iimaan u wehliyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ
98. Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ لَيۡسَ لَهُۥ سُلۡطَٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
99. Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood isku halleeya oo tala saarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا سُلۡطَٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوۡنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشۡرِكُونَ
100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا بَدَّلۡنَآ ءَايَةٗ مَّكَانَ ءَايَةٖ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مُفۡتَرِۭۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلۡقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُسۡلِمِينَ
102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት