Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُخۡزِيهِمۡ وَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تُشَٰٓقُّونَ فِيهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ إِنَّ ٱلۡخِزۡيَ ٱلۡيَوۡمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
27. Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn5, wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.
5. Macnaha waxaa weeye wuxuu ka yeeli inay mutaan ciqaab denbiyadooda badan dartood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡۖ فَأَلۡقَوُاْ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعۡمَلُ مِن سُوٓءِۭۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
28. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki iyo xumo kale). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.
6. Imaanshaha malaa’igta si ay u qaadaan nafahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَلَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
29. Ee gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمۡۚ قَالُواْ خَيۡرٗاۗ لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٞۚ وَلَدَارُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞۚ وَلَنِعۡمَ دَارُ ٱلۡمُتَّقِينَ
30.Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ لَهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَۚ كَذَٰلِكَ يَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلۡمُتَّقِينَ
31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
32. Ee ah kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ أَمۡرُ رَبِّكَۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.
7. Ka imaanshaha cadaab xagga Alle si uu ugu halaago.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
34. Waxaana ku dhacay xumaantii waxay faleen, oo waxaa ku degay (ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት