Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمۡ سَكَنٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلۡأَنۡعَٰمِ بُيُوتٗا تَسۡتَخِفُّونَهَا يَوۡمَ ظَعۡنِكُمۡ وَيَوۡمَ إِقَامَتِكُمۡ وَمِنۡ أَصۡوَافِهَا وَأَوۡبَارِهَا وَأَشۡعَارِهَآ أَثَٰثٗا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ
80. Alle wuxuu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, wuxuuna idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigiinna iyo maalinta negaadigiinnaba, idiinkana yeelay (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda alaabo guri iyo sahay ilaa muddo ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَٰلٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡجِبَالِ أَكۡنَٰنٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلۡحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأۡسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡلِمُونَ
81. Alle wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (geedaha) hoosas, wuxuuna idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, idiin yeelayna dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaasuu idiinku iltiraa Nicmaddiisa inaad u hoggaansantaan (oo Xaqa raacdaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
82. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), xilkaagu waa oo keliya Gaarsiin cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَعۡرِفُونَ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكۡثَرُهُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
83. Waxay gartaan Nicmadda Alle (Islaamka), haddana way dafiraan, badankooduna waa gaalo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ نَبۡعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا ثُمَّ لَا يُؤۡذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
84. (Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa gaaloobay (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلۡعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
85. Markay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) arkaan cadaabka, lagama khafiifinayo, lamana siinayo fursad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ شُرَكَآءَهُمۡ قَالُواْ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدۡعُواْ مِن دُونِكَۖ فَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلَ إِنَّكُمۡ لَكَٰذِبُونَ
86. Markay kuwa Alle u shariig yeela (cid kale)20 arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.
20. Waxaa shirki loola jeedaa wixii lala barbar caabudo Alle, sheydaankuna wuxuu amraa cibaadada asnaamta .
21. Waa rumeysnaanta inuu Alle leeyahay shuruko lala wadaajiyo cibaadada, shurukadaasina ay uga shafeeci Alle agti.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَلۡقَوۡاْ إِلَى ٱللَّهِ يَوۡمَئِذٍ ٱلسَّلَمَۖ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
87. Waxayna (gaalada mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo been ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት