Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅನ್ನಹ್ಲ್   ಶ್ಲೋಕ:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَجۡعَلُونَ لِمَا لَا يَعۡلَمُونَ نَصِيبٗا مِّمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡۗ تَٱللَّهِ لَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَفۡتَرُونَ
56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn (oo ilaahyo been ah)11. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
11. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ
57. Waxay u yeelaan Alle gabdho12. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
12. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلۡأُنثَىٰ ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٞ
58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓۚ أَيُمۡسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمۡ يَدُسُّهُۥ فِي ٱلتُّرَابِۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan13.
13. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوۡءِۖ وَلِلَّهِ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun14, Allena waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
14. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلۡمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيۡهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ لَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكۡرَهُونَۚ وَتَصِفُ أَلۡسِنَتُهُمُ ٱلۡكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفۡرَطُونَ
62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono15.
15. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
تَٱللَّهِ لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಅನ್ನಹ್ಲ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ