លេខ​ទំព័រ:close

external-link copy
19 : 44

وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade. info
التفاسير: |

external-link copy
20 : 44

وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ

20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6]. info

[6]. Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale.

التفاسير: |

external-link copy
21 : 44

وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ

21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya). info
التفاسير: |

external-link copy
22 : 44

فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ

22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah. info
التفاسير: |

external-link copy
23 : 44

فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ

23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye. info
التفاسير: |

external-link copy
24 : 44

وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ

24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine". info

[7]. Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo.

التفاسير: |

external-link copy
25 : 44

كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ

25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo. info
التفاسير: |

external-link copy
26 : 44

وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ

26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan. info
التفاسير: |

external-link copy
27 : 44

وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ

27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen. info
التفاسير: |

external-link copy
28 : 44

كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ

28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil). info
التفاسير: |

external-link copy
29 : 44

فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ

29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah. info
التفاسير: |

external-link copy
30 : 44

وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ

30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya. info
التفاسير: |

external-link copy
31 : 44

مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ

31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
32 : 44

وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ

32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon. info
التفاسير: |

external-link copy
33 : 44

وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ

33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad. info

[8]. Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm.

التفاسير: |

external-link copy
34 : 44

إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ

34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan: info
التفاسير: |

external-link copy
35 : 44

إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ

35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn. info
التفاسير: |

external-link copy
36 : 44

فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan. info
التفاسير: |

external-link copy
37 : 44

أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ

37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal. info

[9]. Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda.

التفاسير: |

external-link copy
38 : 44

وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ

38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar. info
التفاسير: |

external-link copy
39 : 44

مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga. info
التفاسير: |