Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 杜哈尼   段:
وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ
19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.
阿拉伯语经注:
وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ
20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan7
7. Si aydaan dhagax iigu shiidin ilaa geeri. Ama si aydaan iigu dhaleeceyn carrabyadiinna ama si aydaan iigu dhibaateyn si kale.
阿拉伯语经注:
وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ
21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).
阿拉伯语经注:
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ
22. Markaasuu (markay beeniyeen oo rumeyn diideen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.
阿拉伯语经注:
فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.
阿拉伯语经注:
وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ
24. Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".
8. Kaddib markay labo u kala dhanbalantay, si ay askarta Fircoon u soo raacaan ilmahii Israa’iil oo markaa Fircoon iyo dadkiisa loo qarqiyo.
阿拉伯语经注:
كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.
阿拉伯语经注:
وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.
阿拉伯语经注:
وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ
27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
阿拉伯语经注:
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (ilmahii Israa’iil).
阿拉伯语经注:
فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ
29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.
阿拉伯语经注:
مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.
阿拉伯语经注:
وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ
33. Waxaana siinnay calaamado9 ay ku sugnaayeen imtixaan cad.
9. Sida in lagu hareeyey daruuraha, loo soo dejiyey Manni iyo Salwaa, biyo looga burqiyey dhagax, badda cas oo loo kala dhanbalay, iwm.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ
34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:
阿拉伯语经注:
إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ
35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.
阿拉伯语经注:
فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.
阿拉伯语经注:
أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ
37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.
10. Waxaa loolaa jeedaa reer Ximyar ee degganaa Yaman, Tubbacna waa naynaasta boqorkooda.
阿拉伯语经注:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.
阿拉伯语经注:
مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 杜哈尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭