Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 杜哈尼   段:

Ad-dukhaan

حمٓ
1. Xaa Mim2.
1. Ad-Dukhaan: Qiiq - Habaas
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
阿拉伯语经注:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
阿拉伯语经注:
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3.Waxaanu nahay kuwa diga.
3. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka.
阿拉伯语经注:
فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ
4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
阿拉伯语经注:
أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
阿拉伯语经注:
رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
阿拉伯语经注:
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
阿拉伯语经注:
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
阿拉伯语经注:
بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ
9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
阿拉伯语经注:
فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ
10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
阿拉伯语经注:
يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ
11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ
12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka4, waan rumeynaye".
4. Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed.
阿拉伯语经注:
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ
13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
阿拉伯语经注:
ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ
14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ
15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn5. Hubaal waanu aarsan.
5. Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay.
阿拉伯语经注:
۞ وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ
17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
阿拉伯语经注:
أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
18. Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Alle6. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
6. Waa ilmahii Israa’iil.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 杜哈尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭