Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አድ ዱኻን   አንቀጽ:

Ad-dukhaan

حمٓ
1. Xaa Mim2.
1. Ad-Dukhaan: Qiiq - Habaas
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
3. Waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3.Waxaanu nahay kuwa diga (soo dira Rusul oo soo dejiya Kutub).
3. Waa Laylatul Qaddarka ee loo soo waxyooday Nabiga s.c.w. Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ
4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ
9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ
10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ
11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ
12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka4, waan rumeynaye".
4. Waxaa loola jeedaa abaartii iyo habaaskii iyo gaajadii lagu salladay kufaaru Quraysh beenintooda Nabiga s.c.w. awgeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ
13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ
14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ
15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn5. Hubaal waanu aarsan.
5. Qabashadii weyneyd waxay dhacday dagaalkii Badar markii la jabiyey gaaladii oo badi madaxdoodii lagu dilay dagaalkaasi, qaar kalena la soo qafaashay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ
17. Waxaanu imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
18. Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Alle6. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
6. Waa ilmahii Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አድ ዱኻን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት