Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 杜哈尼   段:
إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ مِيقَٰتُهُمۡ أَجۡمَعِينَ
40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي مَوۡلًى عَن مَّوۡلٗى شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.
阿拉伯语经注:
إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ
43. Hubaal geedka Zaquumka,
阿拉伯语经注:
طَعَامُ ٱلۡأَثِيمِ
44. Waa cunnada denbiilaha,
阿拉伯语经注:
كَٱلۡمُهۡلِ يَغۡلِي فِي ٱلۡبُطُونِ
45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).
阿拉伯语经注:
كَغَلۡيِ ٱلۡحَمِيمِ
46. Sida kar-karka biyo aad u kulul.
阿拉伯语经注:
خُذُوهُ فَٱعۡتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ
47. (Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ صُبُّواْ فَوۡقَ رَأۡسِهِۦ مِنۡ عَذَابِ ٱلۡحَمِيمِ
48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.
阿拉伯语经注:
ذُقۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡكَرِيمُ
49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh11.
11. Waa sida uu sheeganayey intii uu joogay arlada. Waxaa lagu odhanayaa ereyadan digasho ahaan si loo xusuusiyo oo loo liido iyo cadaab dheeri ah ahaan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمۡتَرُونَ
50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٖ
51. Kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).
阿拉伯语经注:
فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
52. Beero dhexdood iyo ilo.
阿拉伯语经注:
يَلۡبَسُونَ مِن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
阿拉伯语经注:
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ
54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.
阿拉伯语经注:
يَدۡعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ
55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon12.
12. Aan ka cabsaneyn inay ka dhammaadaan, oo ka cabsaneyn jirro.
阿拉伯语经注:
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلۡمَوۡتَ إِلَّا ٱلۡمَوۡتَةَ ٱلۡأُولَىٰۖ وَوَقَىٰهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.
阿拉伯语经注:
فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.
阿拉伯语经注:
فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
58. Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan.
阿拉伯语经注:
فَٱرۡتَقِبۡ إِنَّهُم مُّرۡتَقِبُونَ
59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 杜哈尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭