Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Zukhruf   Câu:
وَٱلَّذِي نَزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَنشَرۡنَا بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗاۚ كَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ
11. Ee ah Kan ka soo dejiya daruuraha biyo qaddaran oo aan ku nooleyno magaalo dhimatay, sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡفُلۡكِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مَا تَرۡكَبُونَ
12. Ee ah Kan abuuray noocyada wax waliba oo idiin yeelay doonyo (sidoo kale diyaarado, tareenno, gawaadhi) iyo xoolo (geel, lo', fardo, iwm) aad fuushan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لِتَسۡتَوُۥاْ عَلَىٰ ظُهُورِهِۦ ثُمَّ تَذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ رَبِّكُمۡ إِذَا ٱسۡتَوَيۡتُمۡ عَلَيۡهِ وَتَقُولُواْ سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُۥ مُقۡرِنِينَ
13. Si aad u kortaan dushooda, markaas aad xustaan Nicmadda Rabbigiin markaad dushooda kortaan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Alle ee noo sakhiray waxakan, mana aheyn kuwo kara leyligeeda.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ
14. Innaguna xagga Rabbigayo (Allaah) yaanu u guddoomeynaa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَجَعَلُواْ لَهُۥ مِنۡ عِبَادِهِۦ جُزۡءًاۚ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَكَفُورٞ مُّبِينٌ
15. Waxayse ka yeelaan qayb ka mid ah addoomihiisa (shariigyo la wadaaga Alle cibaadada)5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay.
5. Iyagoo ku andacooda inuu Alle s.w.t. leeyahay wiil ama gabdho. Arrinkanna kuma habboona Alle, waayo waa Keli aan wax shariik ah lahayn iyo xaas iyo ilmo midna.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَمِ ٱتَّخَذَ مِمَّا يَخۡلُقُ بَنَاتٖ وَأَصۡفَىٰكُم بِٱلۡبَنِينَ
16. Ma wuxuu (Alle) ka yeeshay wuxuu abuuray qaarkood (malaa’igta) gabdho, oo idiin dooray wiilal.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحۡمَٰنِ مَثَلٗا ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٌ
17. Marka loogu bishaareeyo midkood waxa (gabdhaha) uu u nisbeeyo (Alle) Raxmaanka ugana yeelo tusaale, wuxuu wejigiisu noqdaa madow isagoo walbahaarsan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَوَمَن يُنَشَّؤُاْ فِي ٱلۡحِلۡيَةِ وَهُوَ فِي ٱلۡخِصَامِ غَيۡرُ مُبِينٖ
18. Ma (Allay u yeelaan oo ku sheegaan inuu dhalay gabdho) ah kuwo ku barbaara isqurxin oo aan doodna caddeyn karin?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَجَعَلُواْ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ ٱلَّذِينَ هُمۡ عِبَٰدُ ٱلرَّحۡمَٰنِ إِنَٰثًاۚ أَشَهِدُواْ خَلۡقَهُمۡۚ سَتُكۡتَبُ شَهَٰدَتُهُمۡ وَيُسۡـَٔلُونَ
19. Oo waxay ka yeelaan malaa’igta ah addoomaha Raxmaanka dheddig, miyey joogeen abuurkoodii? Maraggooda waa la qori oo la weydiin (arrinkaa)6.
6. Mushrikiintu waxay yidhaahdaan malaa’igtu waa gabdhahii Alle, laakiin sida dhabta ah waa inay malaa’igtu yihiin qaar ka mid ah addoomaha Ilaahay ee la sharfay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقَالُواْ لَوۡ شَآءَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مَا عَبَدۡنَٰهُمۗ مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
20. Waxay yidhaahdeen: Hadduu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (wax kale). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegi.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ كِتَٰبٗا مِّن قَبۡلِهِۦ فَهُم بِهِۦ مُسۡتَمۡسِكُونَ
21. Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey (Qur’aanka oo amri inay caabudaan Alle qeyrki) oo ay heystaan?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
بَلۡ قَالُوٓاْ إِنَّا وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٖ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّهۡتَدُونَ
22. Waxayse yidhaahdeen: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Zukhruf
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 - Mục lục các bản dịch

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译

Đóng lại