Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Zukhruf   Câu:
وَكَذَٰلِكَ مَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٖ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّقۡتَدُونَ
23. Sidaasoo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, waxaan annaguna raacnaa raadadkoodii.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
۞ قَٰلَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكُم بِأَهۡدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمۡ عَلَيۡهِ ءَابَآءَكُمۡۖ قَالُوٓاْ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
24. (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddaan idiin keeno hanuun ka fiican waxaad ka he- sheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Innagu ku gaalownay waxa (Xaqa) la idinla soo diray.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
25. Markaasaan ka aarsannay ee fiiri siday aheyd cidhibta xaq diidayaasha.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦٓ إِنَّنِي بَرَآءٞ مِّمَّا تَعۡبُدُونَ
26. (Xus) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: Anigu waxaan barii ka ahay waxaad caabuddaan oo dhan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا ٱلَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُۥ سَيَهۡدِينِ
27. Aan ahayn Kan i abuuray (Allaah), Isagaa i hanuunin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَجَعَلَهَا كَلِمَةَۢ بَاقِيَةٗ فِي عَقِبِهِۦ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
28. Wuxuuna ka yeelay Kalimadda7 (Towxiidka) mid ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, si ay (Xaqa) ugu noqdaan.
7. Waa Kalimada Laa ilaaha illal Laah.
8. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu ka dhigay towxiidka wax ku baaqi ah firkiisa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
بَلۡ مَتَّعۡتُ هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ وَرَسُولٞ مُّبِينٞ
29. Waxaanse ugu raaxeeyey kuwaas (gaalada) iyo aabbayaashoodba (adduunka) ilaa uu u yimid Xaqu (Qur’aanka) iyo Rasuul cad9.
9. Waxaa loola jeedaa Nabi Muxammad s.c.w.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ وَإِنَّا بِهِۦ كَٰفِرُونَ
30. Markuu u yimid Xaqa waxay yidhaah- deen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, innaguna ma aaminsanin.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنَ ٱلۡقَرۡيَتَيۡنِ عَظِيمٍ
31. Waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo10?
10. Waxaa loola jeedaa labaadaa magaalo Makkah iyo Daa’if.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
أَهُمۡ يَقۡسِمُونَ رَحۡمَتَ رَبِّكَۚ نَحۡنُ قَسَمۡنَا بَيۡنَهُم مَّعِيشَتَهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَرَفَعۡنَا بَعۡضَهُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَتَّخِذَ بَعۡضُهُم بَعۡضٗا سُخۡرِيّٗاۗ وَرَحۡمَتُ رَبِّكَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ
32. Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (waa Alle'e) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
وَلَوۡلَآ أَن يَكُونَ ٱلنَّاسُ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ لَّجَعَلۡنَا لِمَن يَكۡفُرُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ لِبُيُوتِهِمۡ سُقُفٗا مِّن فِضَّةٖ وَمَعَارِجَ عَلَيۡهَا يَظۡهَرُونَ
33. Hadduusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid ah dhammaantood) waxaan ka yeeli laheyn kuwa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan11.
11. Allaah wuxuu leeyahay waxaan ku siin lahayn gaalada wax kasta adduunka haddii aanay dad kale ku fidnoobeyn arrinkaasi, waayo Aakhiro ma leh waxaan aheyn Naar.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Zukhruf
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - 索马里语 - 阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白 - Mục lục các bản dịch

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译

Đóng lại