《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 印菲塔尔   段:

Suurada Al-infidaar

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ
1. Markay samada dildillaacdo.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ
2. Xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ
3. Badaha laysku furo oo soo fatahaan.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ
4. Qabuuraha la soo qufo.
阿拉伯语经注:
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ
5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib dhigatay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).
阿拉伯语经注:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ
6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?
阿拉伯语经注:
فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.
阿拉伯语经注:
كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ
10. Waxaa korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.
阿拉伯语经注:
كِرَامٗا كَٰتِبِينَ
11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),
阿拉伯语经注:
يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ
12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ
13. Baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ
14. Xume falayaashuna waxay ku sugnaan Naar ololaysa.
阿拉伯语经注:
يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ
15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).
阿拉伯语经注:
وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ
16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
阿拉伯语经注:
ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ
19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 印菲塔尔
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 叶孤拜 - 译解目录

古兰经索马里语译解,阿布杜拉·哈桑·叶孤拜翻译

关闭