Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 穆团菲给尼   段:

Al-mudaffifiin

وَيۡلٞ لِّلۡمُطَفِّفِينَ
1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ
2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ
3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.
阿拉伯语经注:
أَلَا يَظُنُّ أُوْلَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ
4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
阿拉伯语经注:
لِيَوۡمٍ عَظِيمٖ
5. Maalin weyn (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
阿拉伯语经注:
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٖ
7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٞ
8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay?1
1. Sijiin waa meel cidhiidhi ah oo ah halka u hooseysa arlada toddobaad ee ah hoyga denbiilayaasha Aakhirada.
阿拉伯语经注:
كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ
9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
阿拉伯语经注:
وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ
11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
阿拉伯语经注:
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
阿拉伯语经注:
كَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
阿拉伯语经注:
كَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّمَحۡجُوبُونَ
15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ
16. Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
17. Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
阿拉伯语经注:
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ
18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
阿拉伯语经注:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
阿拉伯语经注:
كِتَٰبٞ مَّرۡقُومٞ
20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
阿拉伯语经注:
يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ
21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ
22. Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
阿拉伯语经注:
عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah).
阿拉伯语经注:
تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ
24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
阿拉伯语经注:
يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٖ مَّخۡتُومٍ
25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
阿拉伯语经注:
خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٞۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ
26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
阿拉伯语经注:
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ
27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
阿拉伯语经注:
عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ
28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ
29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ
30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ
31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
阿拉伯语经注:
وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu waa kuwo lunsan.
阿拉伯语经注:
وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ
33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.
阿拉伯语经注:
فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ
34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
阿拉伯语经注:
عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
阿拉伯语经注:
هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 穆团菲给尼
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭