Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ   አንቀጽ:
مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗا
80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan (dadka) dushood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ طَاعَةٞ فَإِذَا بَرَزُواْ مِنۡ عِندِكَ بَيَّتَ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ غَيۡرَ ٱلَّذِي تَقُولُۖ وَٱللَّهُ يَكۡتُبُ مَا يُبَيِّتُونَۖ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Allena wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Alle oo talo saaro. Allena ku filan wakiil ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَۚ وَلَوۡ كَانَ مِنۡ عِندِ غَيۡرِ ٱللَّهِ لَوَجَدُواْ فِيهِ ٱخۡتِلَٰفٗا كَثِيرٗا
82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا جَآءَهُمۡ أَمۡرٞ مِّنَ ٱلۡأَمۡنِ أَوِ ٱلۡخَوۡفِ أَذَاعُواْ بِهِۦۖ وَلَوۡ رَدُّوهُ إِلَى ٱلرَّسُولِ وَإِلَىٰٓ أُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنۡهُمۡ لَعَلِمَهُ ٱلَّذِينَ يَسۡتَنۢبِطُونَهُۥ مِنۡهُمۡۗ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَٱتَّبَعۡتُمُ ٱلشَّيۡطَٰنَ إِلَّا قَلِيلٗا
83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka iyo kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفۡسَكَۚ وَحَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأۡسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ وَٱللَّهُ أَشَدُّ بَأۡسٗا وَأَشَدُّ تَنكِيلٗا
84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةً حَسَنَةٗ يَكُن لَّهُۥ نَصِيبٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةٗ سَيِّئَةٗ يَكُن لَّهُۥ كِفۡلٞ مِّنۡهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقِيتٗا
85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٖ فَحَيُّواْ بِأَحۡسَنَ مِنۡهَآ أَوۡ رُدُّوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَسِيبًا
86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት