Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ   አንቀጽ:
وَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ وَلۡيَأۡخُذُوٓاْ أَسۡلِحَتَهُمۡۖ فَإِذَا سَجَدُواْ فَلۡيَكُونُواْ مِن وَرَآئِكُمۡ وَلۡتَأۡتِ طَآئِفَةٌ أُخۡرَىٰ لَمۡ يُصَلُّواْ فَلۡيُصَلُّواْ مَعَكَ وَلۡيَأۡخُذُواْ حِذۡرَهُمۡ وَأَسۡلِحَتَهُمۡۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ تَغۡفُلُونَ عَنۡ أَسۡلِحَتِكُمۡ وَأَمۡتِعَتِكُمۡ فَيَمِيلُونَ عَلَيۡكُم مَّيۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن كَانَ بِكُمۡ أَذٗى مِّن مَّطَرٍ أَوۡ كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓاْ أَسۡلِحَتَكُمۡۖ وَخُذُواْ حِذۡرَكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah). Ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا قَضَيۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمۡۚ فَإِذَا ٱطۡمَأۡنَنتُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا
103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَهِنُواْ فِي ٱبۡتِغَآءِ ٱلۡقَوۡمِۖ إِن تَكُونُواْ تَأۡلَمُونَ فَإِنَّهُمۡ يَأۡلَمُونَ كَمَا تَأۡلَمُونَۖ وَتَرۡجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرۡجُونَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِتَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِمَآ أَرَىٰكَ ٱللَّهُۚ وَلَا تَكُن لِّلۡخَآئِنِينَ خَصِيمٗا
105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray. Ha noqon qareen u dooda khaa’imiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት