Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ   አንቀጽ:
ٱلَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمۡ فَإِن كَانَ لَكُمۡ فَتۡحٞ مِّنَ ٱللَّهِ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡ وَإِن كَانَ لِلۡكَٰفِرِينَ نَصِيبٞ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَسۡتَحۡوِذۡ عَلَيۡكُمۡ وَنَمۡنَعۡكُم مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَلَن يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لِلۡكَٰفِرِينَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ سَبِيلًا
141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا
142. Munaafiqiintu53 waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.
53. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّذَبۡذَبِينَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ لَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ وَلَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينًا
144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِي ٱلدَّرۡكِ ٱلۡأَسۡفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمۡ نَصِيرًا
145. Munaafiqiintu54 waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).
54. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Marka la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَٱعۡتَصَمُواْ بِٱللَّهِ وَأَخۡلَصُواْ دِينَهُمۡ لِلَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَسَوۡفَ يُؤۡتِ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا
146. Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا يَفۡعَلُ ٱللَّهُ بِعَذَابِكُمۡ إِن شَكَرۡتُمۡ وَءَامَنتُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمٗا
147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት