Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ   አንቀጽ:
۞ لَّا خَيۡرَ فِي كَثِيرٖ مِّن نَّجۡوَىٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَتَّبِعۡ غَيۡرَ سَبِيلِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصۡلِهِۦ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
115. Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
116. Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَٰثٗا وَإِن يَدۡعُونَ إِلَّا شَيۡطَٰنٗا مَّرِيدٗا
117. Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّعَنَهُ ٱللَّهُۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنۡ عِبَادِكَ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَأُضِلَّنَّهُمۡ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمۡ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلۡقَ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيۡطَٰنَ وَلِيّٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدۡ خَسِرَ خُسۡرَانٗا مُّبِينٗا
119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha 45, oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle46. Qofkii ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.
45. Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo.
46. Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka Alle calaamadaha jirka lagu qoro ee washamka - tattoo -, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَعِدُهُمۡ وَيُمَنِّيهِمۡۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ إِلَّا غُرُورًا
120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنۡهَا مَحِيصٗا
121. Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ኒሳዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት