Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አህቃፍ   አንቀጽ:
وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُواْ لَهُمۡ أَعۡدَآءٗ وَكَانُواْ بِعِبَادَتِهِمۡ كَٰفِرِينَ
6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٌ
7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ إِنِ ٱفۡتَرَيۡتُهُۥ فَلَا تَمۡلِكُونَ لِي مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِۚ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
8. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan (oo been ah)3. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
3. Waxa aad ku jirtaan oo male awaal ah iyo fikrado aad qabtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَا كُنتُ بِدۡعٗا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدۡرِي مَا يُفۡعَلُ بِي وَلَا بِكُمۡۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.
4. Lama iman wax ka duwan waxay la yimaadeen Rusushii hore, ama arrin cusub.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرۡتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثۡلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil5 inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey6 halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
5. Waxaa loola jeedaa Cabdullaah bin Salaam.
6. Hadalka ka go’an waa: Soo ma ahaaneysaan markaa kuwa ugu gef badan dadka? Ama xaalad noocee baad markaa ku sugnaan doontaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡ كَانَ خَيۡرٗا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيۡهِۚ وَإِذۡ لَمۡ يَهۡتَدُواْ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَآ إِفۡكٞ قَدِيمٞ
11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen7 rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.
7. Waxay ula jeedeen Bilaal, Cammaar, Zuhayb, Khabaab iyo qeyrkood a.k.r. kuwaasoo laga tol iyo tabar roonaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِن قَبۡلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامٗا وَرَحۡمَةٗۚ وَهَٰذَا كِتَٰبٞ مُّصَدِّقٞ لِّسَانًا عَرَبِيّٗا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُحۡسِنِينَ
12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
13. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada8, ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.
8. Markaas ku toosnaada diinta waa ku hanuunsanaada mabaadiida towxiidka, iimaanka iyo camallada wanaagsan oo ku sugnaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አህቃፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት