Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አህቃፍ   አንቀጽ:
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ إِحۡسَٰنًاۖ حَمَلَتۡهُ أُمُّهُۥ كُرۡهٗا وَوَضَعَتۡهُ كُرۡهٗاۖ وَحَمۡلُهُۥ وَفِصَٰلُهُۥ ثَلَٰثُونَ شَهۡرًاۚ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرۡبَعِينَ سَنَةٗ قَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَصۡلِحۡ لِي فِي ذُرِّيَّتِيٓۖ إِنِّي تُبۡتُ إِلَيۡكَ وَإِنِّي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنۡهُمۡ أَحۡسَنَ مَا عَمِلُواْ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمۡ فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلۡجَنَّةِۖ وَعۡدَ ٱلصِّدۡقِ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ
16. Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِي قَالَ لِوَٰلِدَيۡهِ أُفّٖ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِيٓ أَنۡ أُخۡرَجَ وَقَدۡ خَلَتِ ٱلۡقُرُونُ مِن قَبۡلِي وَهُمَا يَسۡتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيۡلَكَ ءَامِنۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ فَيَقُولُ مَا هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
17. Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ
18. Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo xaqiiq khasaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِكُلّٖ دَرَجَٰتٞ مِّمَّا عَمِلُواْۖ وَلِيُوَفِّيَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
19. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ يُعۡرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَلَى ٱلنَّارِ أَذۡهَبۡتُمۡ طَيِّبَٰتِكُمۡ فِي حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنۡيَا وَٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهَا فَٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ عَذَابَ ٱلۡهُونِ بِمَا كُنتُمۡ تَسۡتَكۡبِرُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَفۡسُقُونَ
20. Maalinta marka kuwa gaalooba loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- nii darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አህቃፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት