18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
21. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
4. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim.
23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.
25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?
27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka (macnaha kala badisaa), kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.
5. Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen wax nool wax dhintay ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda.
28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada 6. Allena wuxuu idiinka digi Naftiisa7, xagga Alle baana lagu dambeyn.
6. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah.
7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.
31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal fiican, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kastuu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xagga Alle. Alle wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
39. Waxaa u dhawaaqay malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Alle uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa, rumeynaya Eray xagga Alle ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan.
47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.
50. Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, waxaana idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo i Adeeca.
53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada(ummadda Nabi Muxamad).
55. (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen.
61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha.
64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.
66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.
72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan (diintooda)10.
10. Xagga kuwa idin la diinta ah (Yuhuudda iyo Nasaarada) si ayan u gelin diinta islaamka, xagga muslmiintana horay idinla diinta ahaa si uu u daciifo iimaankooda oo ugu soo laabtaan gaalnimada.
73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.
11. Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u sheegaan dadka aan iyaga ahayn.
77. Kuwa ku iibsada Axdiga Alle 12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii ku goosta maal qof Muslim ah xaq darro isagoo dhaar ku mari, wuxuu la kulmi Alle oo u cadheysan”w.w. Axmad.
78. Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) koox ku leexisa carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Alle isagoo aan ka iman xagga Alle, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon.
83.Ma waxaan ahayn diinta Alle (Islaamka) bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay (Alle) u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin.
86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa17, qofkiina beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.
17. Qofkii awooda ee haysta sahay iyo gaadiid uu ku tago Xajka, ee isagu caafimaad qaba oo safarku aamin yahay ugana soo tagay masaariif ku filan reerkiisa.
99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Allena ma mooga waxaad fashaan.
101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).
102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle).
106. Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.
110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.
114. Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.
19. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baan ku dhaartee wanaaggaad amreysaan oo xumaantaad reebeysaan, ama wuxuu Alle idiin soo diri ciqaab Xaggiisa ah, markaasaad baryeysaan mase idinka aqbalayo baryada.”
121. (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray?
128. Waxba amarka kuma lihid (Nabiyow), ama wuu ka toobad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
23. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.
135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda24, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).
24. Waxaa loo jeedaa faaxishada denbiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobneyn falaha oo keliya bal saameysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado denbi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm.
136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.
140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Allena ma jecla daalimiinta (gar diidka).
145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanuna u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).
146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Allena wuu jecel yahay kuwa samra.
151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaana hoyga daalimiinta (gar diidka).
154. Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, Allena wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
31. Muslimiinta lahaa yaqiinta xoogga leh. 32. Muslimiintii shakiday.
33. Ictiqaadka in Muxammad haddii uu yahay Nabi iyo Rasuul Alle aan looga adkaadeen dagaalka.
34. Hadalkan wuxuu u jeedaa Nabiga s.c.w. iyo saxaabada jees jees ahaan, waayo waxay munaafiqiinta qabeen in Nabigu s.c.w. uusan aqoon u lahayn xeesha dagaalka, waayo wuxuu u baxay dagaal iyagoo muslimiinta tiro yar yihiin. markaasaa loogu jawaabay hadalkan.
156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Allena wuu arkaa waxaad fashaan.
157. Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).
159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.
160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.
164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.
168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.
170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.
36. Asxaabtooda nool ee weli u jihaadayey jidka Alle.
173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.
176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.
37. Xaalka munaafiqiinta ku dhex jira muslimiinta.
178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.
179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar weyn (Janno).
180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad.
185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Mana aha nolosha adduun- ka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey(Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.
187. (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin (imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w )39,waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.
39. Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay qariyeen wixii ku tacalluqay sifaadka Nabi Muxammad s.c.w ee ku xusan kutubtooda.
188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii oo yidhi): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Alle ah, Alle baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan.
198. Kuwase dhowra (xilkuu saaray) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan weligood, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah.
199. Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Alle, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Alle, oo aan ku iibsan Aayadaha Alle qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta.
200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.
40. Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
खोज परिणाम:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".