クルアーンの対訳 - الترجمة الصومالية - يعقوب * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 夜訪れる者章   節:

Suurada Ad-daariq

وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ
3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِن كُلُّ نَفۡسٖ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٞ
4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
アラビア語 クルアーン注釈:
خُلِقَ مِن مَّآءٖ دَافِقٖ
6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٞ
8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
アラビア語 クルアーン注釈:
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ
9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٖ وَلَا نَاصِرٖ
10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ
11. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ
12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّهُۥ لَقَوۡلٞ فَصۡلٞ
13. Kani (Qur'aanku) waa hadal dhab ah oo cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ
14. Oo ma aha dhayal (dheel).
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدٗا
15. (Gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَكِيدُ كَيۡدٗا
16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا
17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 夜訪れる者章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - الترجمة الصومالية - يعقوب - 対訳の目次

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

閉じる